https://www.premierbank.so/

Madaxweynaha Puntland oo ballanqaaday dhammaystirka jidka Ceel-Daahir ilaa Ceerigaabo

Madaxweynaha dawladda Puntland mudane Siciid Cabdillaahi Deni ayaa qasriga madaxtooyada ee Puntland ku qabtay kulan qorshihiisu ahaa in la dardargeliyo hawlaha dhismaha jidka isku xidhaya magaalooyinka Ceel-Daahir iyo Ceerigaabo, oo labadii sano ee u dambeeyey socday.

Madaxweynaha ayaa Salaasada 26 Feeberweri kulan is barasho iyo dardargelin lagu sheegay la qaatay guddiga dhismaha jidkan laamiga ah. Waxa aanu ka dhegeystay warbixinta halka ay hawluhu u marayaan iyo caqabadaha ka hor yimi ee u baahan in ay dawladda cusub ee Puntland ka gacan siiso sidii ay uga gudbi lahaayeen.

Madaxwayne Denni waxa uu ballan qaaday in xukuumaddiisu ay bixin doonto kharashka ku baxaya dhammaystirka jidkan inta hadhay.

Madaxweynuhu waxa uu guddiga u sheegay in xukuumadiisu ay garab taagan tahay guddigan, oo uu sheegay in intii awooddeeda ah ay ka gacan siin doonto dhamaystirka jidkan laamiga ah oo sida uu madaxweynuhu sheegay ay dadku isticmaalkiisa dhibaato badan ku qabeen.

Guddoomiyaha guddiga dhismaha jidkan, Sheekh Maxamuud Xaaji Yuusuf, ayaa madaxweynaha uga warbixiyey halka ay marayso hawsha dhismaha jidka, caqabadaha ka hor yimi intii ay hawsha ku jireen iyo weliba arrimaha ay xukuumadda cusub uga baahan yihiin in ay ka gacan siiso.