https://www.premierbank.so/

Madaxweynaha oo Dhagax-dhigay Mashruuca Qodista, Isku-xidhka iyo Macaaneynta Biyaha Magaalada Gabiley

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), iyo weftigii ballaadhnaa ee uu hoggaaminayey oo ku gudo jira maalintii 2-aad ee safarkiisa shaqo ee magaalada Gabiley, ayaa maanta dhagax-dhigay mashruuc horumarineed oo muhiim ah oo si toos ah u taabanaya nolosha bulshada magaalada Gabiley.

Madaxweynaha ayaa dhagax-dhigay mashruuca ballaadhinta kaabeyaasha biyaha oo ka kooban:

  • Qodista ceelal cusub,
  • Isku-xidhka ceelasha biyaha,
  • Mashruuca macaaneynta biyaha magaalada Gabiley.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in mashaariicdan ay qayb ka yihiin qorshaha ballaadhan ee xukuumaddu ku doonayso in lagu horumariyo adeegyada biyaha, isla markaana lagu xoojiyo kaabeyaasha waxtarka u leh bulshada reer Gabiley.

ALLAA MAHAD LEH

Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland