https://www.premierbank.so/

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo si rasmi ah u soo xidhay Shirka Nabadda ee Beelaha Gobolka Sanaag

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa maanta si rasmi ah u soo xidhay Shirka Nabadda ee beelaha Gobolka Sanaag, kaas oo maalmahan ka socday magaalada Ceerigaabo, islamarkaana lagu gaadhay heshiis qaran, is-afgarad iyo isu-soo dhowaansho taariikhi ah.

Madaxweynuhu waxa uu madasha ka jeediyay khudbad dardaaran, duco iyo yididiilo xambaarsan, isaga oo beelaha gobolka Sanaag ku dhiirrigeliyay in ay xoojiyaan midnimada, is-qaddarinta iyo ilaalinta nabadda, taas oo uu ku tilmaamay aasaaska jiritaanka Qaranka Somaliland.

Madaxweynuhu waxa uu si gaar ah u bogaadiyay haldoorka, waxgaradka, odayaasha dhaqanka iyo qaybaha kale ee bulshada reer Ceerigaabo, kuwaas oo door weyn ka qaatay hirgelinta nabaddan. Waxa uu xusay in Xukuumadda uu hoggaamiyo ay ka go’an tahay ilaalinta wadajirka, nabadda iyo horumarka gobolka Sanaag.

Shirka nabadda ayaa lagu soo afmeeray jawi walaaltinimo iyo is-faham, waxaana uu tusaale u yahay sida Somaliland ay khilaafaadkeeda ugu xalliso si nabad ah, iyadoo la adeegsado wada-hadal iyo isu-tanaasul.
ALLAA MAHAD LEH
Xuseen Aadan Cige (Deyr)
Afhayeenka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland