https://www.premierbank.so/

Jamhuuriyadda Somaliland oo Si Adag u Cambaaraysay Faragelinta Dawladda Turkiga

Hargeysa, 18 Ogost 2025 – Wasaaradda Arrimaha Dibadda iyo Iskaashiga Caalamiga ah ee Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta si adag u cambaaraysay tallaabo ay ku tilmaantay faragelin aan la aqbali karin oo ka timid Dawladda Turkiga.

Wasiirka Arrimaha Dibadda, Mudane Cabdiraxmaan Daahir Aadan, ayaa u yeedhay Qunsulka Guud ee Jamhuuriyadda Turkiga ee Hargeysa, kadib markii la xaqiijiyey warar ku saabsan kulan ka dhacay Muqdisho oo dhexmaray Safiirka Turkiga iyo Suldaan Wabar, oo ah shakhsi ku lug leh falal ka dhan ah amniga iyo qaranimada Somaliland.

Dawladda Somaliland waxay ku sheegtay tallaabadan mid si toos ah u dhaawacaysa madax-bannaanida iyo amniga qaranka, isla markaana aan loo dulqaadan karin. Wasaaraddu waxay si cad uga dalbatay Safiirka Turkiga inuu bixiyo sharaxaad degdeg ah oo lagu qanci karo, kuna saabsan sababta ku keliftay ficillada faragelinta ah.

“Jamhuuriyadda Somaliland marnaba ma aqbali doonto ficillo wax u dhimaya madax-bannaanideeda, amnigeeda, ama danaha qaranka ee ay leedahay,” ayaa lagu yidhi qoraalka rasmiga ah.

Cambaarayntan diblomaasiyadeed waxay muujinaysaa sida ay Somaliland uga go’an tahay inay difaacdo madaxbannaanideeda iyo xasilloonideeda, isla markaana aysan ogolaan doonin wax faragelin ah oo ka imanaya cid kasta.