https://www.premierbank.so/

Ingiriiska oo ka digay socdaalka dhulka Soomaaliyeed

Dawladda Ingiriiska ayaa mar kale muwaadiniinteeda ku wargelisay in Soomaaliya ay tahay meel khatar ah oo aan aamin u ahayn in ay u safraan ama ay sii joogaan.

Xafiiska arrimaha dibadda iyo Barwaaqo sooranka ee dalka Ingiriiska ayaa arbacadii 25 Sabtembar soo saaray digniin muwaadiniinta Ingiriiska faraysa in aanay u safrin Soomaaliya iyo Somliland, haddii ay joogtaanba ay ka baxaan. Marka laga reebo magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera oo ay sheegtay in safarrada lagama maarmaanka ah lagu tegi karo, dadka jooga ee aan hawlaha aad muhiimka u ah u jooginna ay tahay in ay ka baxaan.

Dawladda Ingiriisku waxa ay muwaadiniinteeda hawlaha muhiimka ah u tegeya Hargeysai yo Berbera ku wargelisay in ay aad u feejignaadaan, kana dheeraadaan goobaha dadweynaha iyo meelaha dadku isugu yimaaddaan. Waxa kale oo ay u soo jeedisay in ay la socdaan warbaahinta maxalliga ah iyo ta caalamiga ahba si ay ula uga warhayaan xaaladaha ugana feejignaadaan haddii ay jiraan dibadbaxyo ama rabashado kale oo dhacayaa.

Muwaadinku waa in uu dhaqso uga baxaa meel kasta oo uu xasilooni darro ka dareemo, isla markaana aanu isku dayin in uu in uu daawado ama sawirro ka qaato waxa dhacaya. Ayaa lagu yidhi digniinta Ingiriisku soo saaray.

Xafiiska arrimaha dibadda iyo Barwaaqo sooranka ee Ingiriisku waxa uu digniintan ku sababeeyey argagaxisada oo uu sheegay in laga cabsi qabo weerarro ay ka fuliyaan Soomaaliya, iyaga oo horena digniino hanjabaad ah ugu diray dadka reer galbeedka ah iyo dadka ka shaqeeya ururrada iyo hay’adaha reer galbeedka.

Digniintu waxa ay si gaar ah u taabatay magaalada Muqdisho oo ay sheegtay in ay khatar u tahay weerarro argagaxiso, iyo in argagaxisadu ay weli waddo qorshaynta weerarro ka dhan ah reer galbeedka ku sugan Soomaaliya iyo Somaliland.

Muwaadinka Ingiriis ee dhibaato qabsato ayaa ay digniinta dawladda Ingiriisku u soo jeedisay in uu la xidhiidho safaaradaha Ingiriisku ku leeyahay dalalka Kenya iyo Itoobiya, maadaama oo aanay adeeg la talineed u samayn karin safaaradda muqdisho.

Amniga badda ee Soomaaliya ayaa uu Ingiriisku isagana ka deyriyey, isaga oo warbixinta digniinta ah ku sheegay in ay jirto cabsi laga qabo in ay dembiyo ka dhacaan badaha Soomaaliya iyo biyaha caalamiga ah ee ku dhow, gaar ahaan in khatari ay ku waajahantahay Gacanka Cadmeed iyo badweynta Hindiya.

Waxa kale oo ay dawladda Ingiriisku muwaadiniinteeda jooga Somalilandi yo Soomaaliya kula talisay, haddii ay la kulmaan xadhig ama cidi isku daydo in ay qasab ugu guuriso, in kuwa Soomaaliya joogaa ay la xidhiidhaan safaaradda Nairobi, kuwa Somaliland joogana laga rabo in ay la xidhiidhaan safaaradda Ingiriiska ee Addis Ababa.

https://www.premierbank.so/