https://www.premierbank.so/

Hindiya iyo cudurka corona: Sidee ’dawada cudurka Corona’ loogu kala iibsanayaa suuqa-madow?

Waxa laga helay feyraska Corona, dhaqaatirtana waxay qoyskiisa u sheegeen in loo soo iibiyo dawada remdesvir oo ah mid laga ogolaaday Hindiya in lagu daaweeyo bukaanada xaaladooda ay culus tahay, taas oo micnaheedu tahay in dhaqaatirta ay u qori karaan oo kali ah dadka xaladda degdega ku jira.
Balse dawada remdesvir meelna lagama heli karo, taas oo Mr Sharma ku kaliftay inuu qof walbo waco si loo helo dawada uu abtigiisa uu baahanyahay.
“Waan ooyi gaaray. Abtigey noolashiisa ayaa qatar ku jirtay anigana waxaan raadinayay dawada ay suuragalka tahay inay noolashiisa badbaadiso,” ayuu yiri.
Arrintan qabsatay Sharma waxay haysataa dad badan oo dalkaas ku nool. Kuwaas oo diyaar u ahay inay wax walbo sameyaan si ay u badbaadiyaan dadka ay jecel yihiin.
“Ka dib wiqitaanno badan, waxaan bixiyay toddobo jibaar lacagtii aan ku iibsan lahaa dawada, waxaan diyaar u ahaa in aan lacag walbo bixiyo runtii, balse waxaan u naxsanahay dadka aan awoodin,” ayuu yiri.
dadka ka shaqeeya iibinta dawadaas, waxayna sheegeen in ay u diyaarin karaan oo ay ku siin donaan qiimaha saxda ah.
“Waxaan kuu diyaarin karaa dawada, halkii dhalo ee yarna waxaan kaa siinaya 30,000 oo rupee oo u dhiganta $401 dollar, waana qasab in aad hadda u timaado,” ayuu yiri mid ka mid ah ragga iibiya oo ku doodaya inuu ku jiro ganacsiga dawooyiinka

https://www.premierbank.so/