https://www.premierbank.so/

Gudida Nashaqadeynta Qaranka oo ay Hogaaminayso Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Maanta Dawladaha Hoose ee Dalka Ka Joojiyey Qorsheynta Dhulka Ilaa Inta Magaalo Kasta Ka Yeelanayso Master Plan.

Gudida Nashaqadeynta Qaranka oo ay Hogaaminayso Wasaaradda Hawlaha Guud Ayaa Maanta Dawladaha Hoose ee Dalka Ka Joojiyey Qorsheynta Dhulka Ilaa Inta Magaalo Kasta Ka Yeelanayso Master Plan.
06-07-2020 Hargeisa ‘’Xafiiska Saxaafadda Wasaaradda Hawlaha Guud’’ Gudida Nashaqadeynta Qaranka oo ay Hogaaminayso Wasaaradda Hawlaha Guud ayaa maanta oo bishu tahay 06-07-2020, Dawladaha Hoose ee Dalka ka joojisay Qorsheynta Dhulka Iyo Beeraha ilaa inta Magaalo kasta ka yeelanayso Master Plan.
Gudoomiyaha Gudida Nashqadeynta Qaranka oo ah Wasiirka Wasaaradda Hawlaha Guud Mudane C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi oo ku dhawaaqay go’aamadda Gudida ayaa sheegay in kulan kani ahaa kii ugu horeeyey ee ay yeeshaan Gudidu, Dhinaca kalana wuxuu sheegay in 14- cishaba hal mar kulmi doonaan Gudidani, isla markaana eegi doonaan wixii qabsoomay iyo wixii danbe ee la fulin doono.
Wasiir C/rashiid Xaaji Ducaale Qambi ayaa sheegay in maanta oo bishu tahay 06-07-2020, Dawladaha Hoose ee Dalka laga joojiyey Qorsheynta Dhulka Iyo Beeraha ilaa inta Magaalo kasta ka yeelanayso Master Plan.
Dhinaca Kale waxa isla maanta wuxuu sheegay in Dawladdaha Hoose ee Dalka laga joojiyey inay bixiyaan waxa Dhul danguud ah, isla markaan laga mamnuucay inay ku tagrifalaan Dhulka danta-guud.
Wasiirku wuxuu sheegay in la farayo dhamaan Maayiradda Dalka inay soo gudbiyaan Dhulkii Danta-guud ee ay qabteen Mudadii ay Xilka hayeen, Iyo Dantii Guud ee ay kala wareegeen Maayiradii Iyo Golayaashi Deegaan ee ka horeeyey.

https://www.premierbank.so/