https://www.premierbank.so/

Farmaajo oo bandhigay dedaalada Xukuumaddiisa

Madaxweynaha Jamhuuriyadda
Federaalka ah ee  Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi maxamed
Farmaajo oo ka qaybgalaya kulanka guud ee jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa ayaa
khudbad uu ka jeediyey fadhi gaar ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya, waxa uu
ku soo bandhigay dadaallada Dowladda ee kobcinta dhaqaalaha, dib u habaynta
laamaha ammaanka, dib u eegsita dastuurka, hirgelinta doorashooyinka soomaaliya
iyo guulaha uu sheegay in ay dawladdiisu ka gaadhay dagaalka ka dhanka ah
kooxaha  argagixisada loogu yeedho.

Qoraal lagu daabacay barta Facebook
ay ku leedahay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo
uu khudbaddiisa kaga warramay tallaabooyin ay xukuumaddiisu qaadday oo la
xidhiidha maamul-wanaagga iyo yaraynta musuqmaasuqa oo caqabad ku ah dib u
kabashada.

Warka ka soo baxay Villa Soomaaliya
waxa uu intaas ku daray in Madaxweyne Farmaajo uu sidoo kale kulanka ku soo
bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammeystirka hannaanka dimuqraadiyadeed iyo
tan doorasho ee Soomaaliya , iyada oo ay wadajir uga wada shaqeynayaan Guddiga
Madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo Hay’adaha Dowladda ee bahwadaagta la ah si
looga midho-dhaliyo qorshaha siyaasadda loo dhanyahay.

Madaxweyne Farmaajo waxa uu Rajo
Wanaagaan Ka muujiyey in Soomaaliya ay ka dhacdo doorsho Qof Iyo Cod Ah Kaddib
Markii Sidda uu sheegay ay  Guddiga Madaxa-bannaan ee
doorashooyinka iyo bahwadaagteedu dowlada fadaraalka ah  u soo
gudbiyeen xog hordhac ah oo ku saabsan hawlaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.

Dhinaca
kale madaxweynaha soomaaliya ayaa magaalada New York waxa uu kula doceed
magaalada New York kula qaatay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antooniyo
Gutarees.

https://www.premierbank.so/