Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka ah ee Soomaaliya mudane Maxamed Cabdullaahi maxamed Farmaajo oo ka qaybgalaya kulanka guud ee jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa ayaa khudbad uu ka jeediyey fadhi gaar ah oo ku saabsan arrimaha Soomaaliya, waxa uu ku soo bandhigay dadaallada Dowladda ee kobcinta dhaqaalaha, dib u habaynta laamaha ammaanka, dib u eegsita dastuurka, hirgelinta doorashooyinka soomaaliya iyo guulaha uu sheegay in ay dawladdiisu ka gaadhay dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagixisada loogu yeedho.
Qoraal lagu daabacay barta Facebook ay ku leedahay madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in madaxweyne Farmaajo uu khudbaddiisa kaga warramay tallaabooyin ay xukuumaddiisu qaadday oo la xidhiidha maamul-wanaagga iyo yaraynta musuqmaasuqa oo caqabad ku ah dib u kabashada.
Warka ka soo baxay Villa Soomaaliya waxa uu intaas ku daray in Madaxweyne Farmaajo uu sidoo kale kulanka ku soo bandhigay qorsheyaasha ka hirgalay dhammeystirka hannaanka dimuqraadiyadeed iyo tan doorasho ee Soomaaliya , iyada oo ay wadajir uga wada shaqeynayaan Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo Hay’adaha Dowladda ee bahwadaagta la ah si looga midho-dhaliyo qorshaha siyaasadda loo dhanyahay.
Madaxweyne Farmaajo waxa uu Rajo Wanaagaan Ka muujiyey in Soomaaliya ay ka dhacdo doorsho Qof Iyo Cod Ah Kaddib Markii Sidda uu sheegay ay Guddiga Madaxa-bannaan ee doorashooyinka iyo bahwadaagteedu dowlada fadaraalka ah u soo gudbiyeen xog hordhac ah oo ku saabsan hawlaha diiwaangelinta cod-bixiyeyaasha.
Dhinaca kale madaxweynaha soomaaliya ayaa magaalada New York waxa uu kula doceed magaalada New York kula qaatay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey Antooniyo Gutarees.






