https://www.premierbank.so/

Doorashooyinka Somaliland ayaa si qurux badan uga bilaabmay Miyi & Magaalaba

Waxa maanta guud ahaan Somalilnd looga dareeray doorashooyinka isku sidkan ee Golaha Wakiilada iyo Deeganka.

Doorashadan oo ah hal qof iyo hal cod oo muwaadin kasta oo Somalilnd ahi ku dooranayo shaqsiyaadka ku matali doona Golaha Wakiilada iyo Deegaanka ayaa guud ahaan deegaanada iyo magaalooyinka Somalilnd si toosa ugu bilabantay .

Habsami socodka doorashadi ayaa saaka 7dii subaxnimo laga daahfuray xarunta Shaqaalaha Dawladda ee Magaalada Hargeysa iyadoo uu ugu horeyn codkiisa ka dhiibtay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, gudoomiyaha Xisbiga ugu weyn mucaaradka ee Waddani, masuuliyiinkale. waxaana halkaas indhodhayn kusoo maray goobjoogayaal caalami ah.

Madaxweynaha Somaliland Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa shacabka ku bogaadiyay maalintan doorashada.

Weriyayaasha CBA TV ayaa kusoo waramaya in dhamaan gobolada iyo degmmoyinka dalka uga bilaabantay codeynta iyo ilaa hadda aan laga soo sheegin.

 

https://www.premierbank.so/