Badhasaabka gobalka Maroodijeex ee somaliland ayaa ka hadlay barakacayaal ka cawday in guryaha laga gubo
Badhasaabka gobalka Maroodi jeex ee Somaliland Mudane Jaamac Maxamed ayaa sheegay in ay xabsiga u taxaabeen dadyow ku eedaysan in ay guryaha ka gubaan dadka barakacayaasha ah ee ku nool xerada Naasa-hablood ee cidhifka woqooyi Bari ee magaalada Hargeysa.
Waxa kale oo uu badhasaabka gobalka Maroodi jeex ka hadlay dhibaatooyinka ka yimaadda basaska ardayda dugsiyada qaada, oo caado ka dhigtay in ay ku socdaan xawaare aad u sarreeya, sababtaas awgeedna marar badan shilal geysta. Isaga oo soo qaatay shilkii u dambeeyey oo uu wiil dugsiga dhexe dhigta oo ka tirsan dugsiyada ELM shalay ku dhigtay shil uu galay bas siday, xilligii ardaydu dugsiyada ka soo rawaxday.
Mudane Jaamac oo warbaahinta la hadlayey arbaca 27 ka feeberweri waxa kale oo uu ka hadlay dibad bax ay sameeyeen ardayda dugsiga sareee Maxamuud Axmed Cali oo taayiro ku gubay jidka isku xidha madaarka Cigaal iyo suuqa.






