https://www.premierbank.so/

Badhasaabka gobalka Maroodijeex ee somaliland ayaa ka hadlay barakacayaal ka cawday in guryaha laga gubo

Badhasaabka
gobalka Maroodi jeex ee Somaliland Mudane Jaamac Maxamed ayaa sheegay in ay xabsiga
u taxaabeen dadyow ku eedaysan in ay guryaha ka gubaan dadka barakacayaasha ah
ee ku nool xerada Naasa-hablood ee cidhifka woqooyi Bari ee magaalada Hargeysa.

Waxa
kale oo uu badhasaabka gobalka Maroodi jeex ka hadlay dhibaatooyinka ka
yimaadda basaska ardayda dugsiyada qaada, oo caado ka dhigtay in ay ku socdaan
xawaare aad u sarreeya, sababtaas awgeedna marar badan shilal geysta. Isaga oo
soo qaatay shilkii u dambeeyey oo uu wiil dugsiga dhexe dhigta oo ka tirsan
dugsiyada ELM shalay ku dhigtay shil uu galay bas siday, xilligii ardaydu
dugsiyada ka soo rawaxday.

Mudane
Jaamac oo warbaahinta la hadlayey arbaca 27 ka feeberweri waxa kale oo uu ka
hadlay dibad bax ay sameeyeen ardayda dugsiga sareee Maxamuud Axmed Cali oo
taayiro ku gubay jidka isku xidha madaarka Cigaal iyo suuqa.

https://www.premierbank.so/