https://www.premierbank.so/

BADHAN halaga qaado Afti dadweyne iyo dhinaca ay raacayaan – Xildhibaan C/Qaadir J. Xaamud

Guddoomiye ku xigeenka guddida ilaalinta iyo dabagalka hantida qaranka ee golaha wakiillada Somaliland xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud ayaa sheegay in aan xabbad lagu xallin karin khilaafka Puntland iyo Somaliland ee la xidhiidha deegaannada Bariga, waxa aanu taas beddelkeeda soo jediyey in cod laga qaado dadka deegaankaas, si loo ogaado dhinaca ay doonayaan in ay raacaan Somaliland oo ay dhul ahaan ka tirsan yihiin iyo dawladgobaleedka Puntland oo isir ku sheeganaysa.

Waxa kale oo uu xildhibaan Cabdiqaadir soo jeediyey in deegaanka Badhan ee gobalka Sanaag loo diro ergo isugu jirta isugu jirta golaha wasiirrada iyo xildhibaanno ka war doona xaaladda runta ah ee ka jirta deegaankas.

Xildhibaann Cabdiqaadir oo khamiista 26-ka Sabtembar la hadlay telefishinkan CODKA BARIGA AFRIKA ayaa intaas ku daray in xukuumadda Somaliland looga baahan yahay in ay la timaaddo dadaal ay ku kasban karto bulshooyinka ku nool deegaanka badhan Sida uu hadalka u dhigay. isaga oo sheegay in deegaankaas uu ka muuqdo haykalka dawladnimo ee Somaliland.

Balse ay mararka qaar dhacdo in ay ciidamada qaar goostaan, taas oo uu sheegay aanay hoos u dhigayn awoodda ay Somaliland ku leedahay deegaanka. Sida uu hadalka u dhigay. Dhinaca kalena xildhibaan cabdiqaadir waxa uu sheegay in gobolka sanaag uu yahay goobtii ay nabada Somaliland ka jirtaa ka soo bilaabmatay balse ay nasiib daro tahay in iyada oo ahayd deegaan kii nabada waqti xaadir kan ay dagi la dahay. Waxa aanu intaas ku daray in xildhibaannada gobalkaas ka soo baxay oo tiradoodu ay 12 tahay ay wadahadal ka yeesheen sidii ay uga qayb qaadan lahaayeen nabadaynta deegaanka Ceel-Afweyn. Waxa aanu xukuumadda ka difaacay dadka ku eedaynaya in ay iyadu raalli ka tahay sii socoshada colaaddaas.