https://www.premierbank.so/

𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐤𝐮𝐥𝐚𝐧 𝐥𝐚 𝐲𝐞𝐞𝐬𝐡𝐚𝐲 𝐆𝐮𝐝𝐝𝐢𝐝𝐚 𝐇𝐞𝐞𝐫 𝐐𝐚𝐫𝐚𝐧 𝐞𝐞 𝐁𝐚𝐚𝐝𝐡𝐢𝐬𝐭𝐚 & 𝐐𝐢𝐢𝐦𝐞𝐲𝐧𝐭𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐜𝐝𝐨𝐨𝐲𝐢𝐧𝐤𝐢𝐢 𝐤𝐚 𝐝𝐡𝐚𝐜𝐚𝐲 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐀𝐰𝐝𝐚𝐥

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo uu wehelinayo Madaxweyne ku-xigeenka JSL Mudane Maxamed Cali Aw Cabdi ayaa kulankii ugu horreeyey la yeeshay Guddida Heer Qaran ee Baahista iyo Qiimaynta dhacdooyinkii ka dhacay Gobolka Awdal, gaar ahaan magaalada Boorame.
Guddidan oo uu Madaxweynuhu dhawaan magacaabay ayaa waxa loo xilsaaray in ay sameeyaan baahis qoto dheer, qiimayn mug leh, talo-bixin ku wajahan Xukuumadda oo la xidhiidha xalalka ugu habboon ee kasoo baxa baadhista iyo qiimaynta.
Madaxweynuhu waxa uu Guddida Allah SWT uga baryey in uu u fududeeyo hawsha culus, isaga oo kula dardaarmay
in hawsha loo xilsaaray ay u gutaan si masuuliyad leh, daah-furan oo daacadnimo leh, isla markaana si ay degdeg ah u soo diyaariyaan warbixin dhammaystiran oo ku salaysan xaqiiqada dhabta ah ee la xidhiidha dhacdooyinkii dhawaan ka dhacay magaalada Boorame.
Waxa xusid mudan in Guddidan oo ka kooban 23 xubnood ay yihiin kuwo gebi ahaanba ka madax-bannaan saamayn iyo faro-gelin kasta oo ka baxsan waajibaadkooda Qaran ee loo xilsaaray, iyaga oo war-bixintooda iyo talo-bixintooda rasmiga ah muddo kooban ugu soo gudbin doona Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland.
𝐀𝐋𝐋𝐀𝐀 𝐌𝐀𝐇𝐀𝐃 𝐋𝐄𝐇
𝐗𝐮𝐬𝐞𝐞𝐧 𝐀𝐚𝐝𝐚𝐧 𝐂𝐢𝐠𝐞 (𝐃𝐞𝐲𝐫)
𝐀𝐟𝐡𝐚𝐲𝐞𝐞𝐧𝐤𝐚 𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐉𝐚𝐦𝐡𝐮𝐮𝐫𝐢𝐲𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝