https://www.premierbank.so/

DFS oo sheegtay inaysan waxba iska badalin kiiska dacwada badda soomaaliya ee kala dhaxeeya kenya

Dowladda federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inaysan wax shaqo ah isku laheyn kiiska dacwadda badda Soomaaliya ee yaalla Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ICJ iyo xiriirka diblomaasiyadeed ee Kenya oo ay dhawaan dib usoo celisay.

Arrintan ayaa Timid kadib markii saacadihii ugu dambeeyey ay soo baxeen warar lagu faafiyey baraha bulshada iyo warbaahinta qaar oo sheegayey in labada dal ay kiiska badda ka gaarayaan xal ka baxsan maxkamadda, oo ay garwadeen ka tahay Qatar.

Wararkaas ayaa intaas ku daray in madaxweyne Farmaajo uu tegayo Doha halkaasi oo uu kula kulmi doono Uhuru Kenyatta, si heshiiska loogu saxiixo.

Hase yeeshee ra’iisul wasaare ku-xigeenka xilka sii-haya ee Soomaalia Mahdi Maxamed Guuleed Khadar, oo sidoo kale hoggaaminaya ergada Soomaaliya ee maxkamadda ICJ, ayaa sheegay in kiiskaas ay maxkamadda go’aan ka gaari doonto.

“Muranka badda waxaa dhameystiri doona ICJ kadib markii dhageysigii hadalka ahaa lasoo geba gebeeyeey March 15-18 ee sanadkan. Waxaan sugeynaa go’aan caddaalad ah. Xiriirka diblomaasiyadeed ee labada dal waa arrin gaar ah,” ayuu yiri Mahdi oo qoraal soo dhigay twitter.

 

Dowladda federaalka ayaa maalmo ka hor shaacisay inay dib usoo celisay xiriirka Kenya oo go’aanaa ku dhowaad lix bilood kadib markii ay labada dal dhex-dhexaadisay Qatar.

https://www.premierbank.so/