https://www.premierbank.so/

Dawladd Goboleedka punthland oo Shaacisay Jadwalka Imtixaanka Shahaadiga ah

Wasaaradda Waxbarashada Dowladd Goboleedka Soomaaliyeed Ee Puntland  ayaa si rasmiya u shaacisay jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee sannad-dugsiyeedka 2021.

Qoraal Ka Soo Baxay Wasaaradda waxbarashada  ayaa Lagu Sheegay in maalin Sabti ah oo ku beegan 22-ka bishan May uu bilaaban doono imtixaanka Shahaadiga ah ee dugsiyada dhexe iyo sare, islamarkaana uu soo geba-gaboobi doono 27-ka bishan oo ku began Oo Ku Beegan Maalin Khamiis Ah.

Wasaaradda Waxbarashada Ee Dowlada Goboleedka Puntland ayaa Sidoo Kale soo bandhigtay laba warqadood oo muujinaya shaxda jadwalka imtixaanka shahaadiga ah ee labada heer Dugsiga Dhaxe iyo Dugsiga Sare.

Ardayda Deeganada Puntland Ayaan Ka Qeyb Galin Imtixaanka Shahaadiga Ah Ee Ay Qaado Wasaaradda Waxbarashada dowlada fadaraalka ah ee soomaaliya, Waxaana Xusid Mudan In Imtixaanka deegaanadaasi Ay Si Gaar Ah U Maamusho wasaaradda Waxbarashada Ee Puntland.

https://www.premierbank.so/