https://www.premierbank.so/

Qaylo-dhaanta heer-kulka sii kordhaya ee aduunka. WMO

Hay’adda caalamiga ah ee la socoshada cimilada ayaa shaaca ka qaadday in sannadihii 2015 illaa 2019 ku ay ahaayeen shantii sano ee uu heerkulka adduunku ugu sarreeyey abid.

Hay’adda la socoshada cimilada ee WMO oo ka tirsan qaramada midoobey, ayaa warbixinta kor u kaca heer-kulka adduunka oo ay soo saartay axaddii 22 ka Sabtembar waxa ay ku sheegtay in shantaas sano uu heerkulka adduunku kor u kacay boqolkiiba 0.2 darajo, marka la barbardhigo shantii sano ee ka horreeyey oo u dhexeeyey 2011 kii illaa 2015 kii.

WMO ayaa qaylo dhaantan ku soo beegtay saacado ka hor bilowga shir caalamiya oo ay dunidu xarunta qaramada midoobey ee New York kaga arrinsanayso isbeddelka cimilada adduunka.

Shirka caalamiga ah ee cimilada adduunka oo isaguna qabsoomaya ka hor inta aanu bilaabmin shirka guud ee jimciyadda quruumaha ka dhexeysa waxaa ka qaybgalay hoggaamiyeyaasha Jarmalka iyo Faransiiska, waxa se aan liiska madaxda ka hadlaysa kulankan ku jirin madaxweynaha Maraykanka Donald Trump oo muddo yar kaddib markii uu xilka qabtay ka baxay Axdigii Paris ee xakamaynta isbeddelka Cimilada, waxa kale oo shirkan muhiimka ah aan ka qaybgelin hoggaamiyeyaasha dalalka qorshaynaya in ay furaan warshado dhuxusha ah, kuwaas oo ay ka mid yihiin Jabbaan, iyo kuuriyada Koonfureed.

Xoghayaha guud ee qaramada midoobey Antooniya Gotarees oo ka hadlay isbeddelka cimilada ayaa hoggaamiyeyaasha siyaasadda iyo ganacsatada waaweyn ee adduunka ka cosaday in aanay shirka cimiladakaga soo qaybgelin khudbado ay jeediyaan oo keliya, balse looga fadhiyo in ay la yimaaddaan qorsheyaal. Waxa aanu ku dhiirrigeliyey in ay wacad ku maraan in ay ka shaqaynayaan yaraynta xawaaraha isbeddelka cimilada iyo in ay faraha ka laabanayaan shidaalka isticmaalka shidaalka Karboonku ku badan yahay, ee ay ka mid yihiin dhuxusha, baatroolka iyo gaasta dabiiciga ah, taas oo la aaminsan yahay in ay qayb libaax ka qaataan isbeddelka cimilada adduunka.

Warbixinta hay’adda qaramada midoobey ee la socoshada cimilada waxaa lagu sheegay in caqabadaha ugu waaweyn ee adduunku ka waajahayo dhinaca isbeddelka cimiladu ay yihiin khatarta ka dhalanaysa kor u kaca heerkulka adduunka oo sababaya in uu kor u kaco joogga baddu, iyo in barafka labada cidhif ee adduunku si kedis ah u biyoobo, korna u kacaan duufaannada, daadadka iyo lama degaanka uu dhulku noqonayo.

Warbixintu waxa ay ka digaysaa in haddii aan dhaqso loo bilaabin fulinta qorsheyaal lagu xakamaynayo cimiladu ay dhici karto in heerkulka kor u sii socdaa uu keeno aafooyin dabiici ah iyo masiibo dhaqaale iyo bani’aadam.