https://www.premierbank.so/

Mareykanka iyo Daalibaan oo heshiis horudhac ah ku gaaray Dalka Qadar

Shirka magaalada Dooxa ee dalka Qadar uga socda ergayda kala mataleysa dowladda Mareykanka iyo kuwa ururka Daalibaan ee dalka Afghanistan ayaa si horu dhac ah iskugu afgartay gogol xaarka heshiis ay labada dhinac ka gaaraan soo afjaridda dagaalka muddada 17-ka sano ah ka socda dalkaas kadib wada hadallo halkaas ka socday muddo lix maalmood ah.
Dhanka kale madaxweynaha Afghanistan Ashraf Ghani ayaa dhankiisa ku baaqay in dowladdiisu ay diyaar u tahay wada hadallo ay la gasho kooxaha kasoo horjeeda ee islaamiyiinta ah hase yeeshee ururka Daaliban ayaa ku gacan seyray baaqiisa.
Ururka Daaliban ayaa dalka Afghanistan gacanta ku hayay laga soo billaabo 1996-kii illaa 2001-dii kolkaasoo ciidamada huwan ah oo uu mareykanka hor boodayo ay talada ka fara maroojiyeen maadaama Daalibaan lagu eedeeyay in ay gabbaad siiso ururka Al-qaacida kadib weerarkii lagu qaaday dalka Mareykanka 11-sebteembar 2001-dii.
Ergayga dowladda Mareykanka ee dalka Afghanistan ayaa wargeyska NewYork Times u sheegay in labada dhinac ay isku afgarteen in la jeexo wadiiqo lagu sii ambaqaadayo in labada dhinac ay gaaraan heshiis buuxa.
Ergayga ayaa intaa sii raaciyay in Daalibaan laga doonayo in ay qaadato nabadda oo aysan dalka Afghanistan ka dhigin hoy argagixiso.
Maamulka madaxweyne Trump ayaa tan iyo markii uu la wareegay xilka waxa uu dar dar geliyay arrinta Daalibaan isagoo ururka cadaadis badan ku saaray in ay miiska wada hadalka yimaadaan.
Mareykanka ayaa la sheegayaa in uu wado istiraatiijiyad uu ciidamadiisa uga saarayo Afghanistan kadib marka ay Daalibaan ogolaato xabad joojin rasmi ah oo ay la gasho xukuumadda.
Waxaa xusid mudan in ururka Daalibaan uu in badan ku adkeystay in wada hadallada iyo xabbad joojinta ay shardi uga dhigayaan in waqti loo qabto xilliga ciidamada Ameerikaanka ah ay ka baxayaan Afghanistan.
Wada hadallada labada dhinac ayaa kusoo beegmaya xilli cududda ururka Daalibaan ay kusii xoogeysanayo gudaha dalkaas taasoo loo sababeynayo ciidamo fara badan oo dalkaas laga saaray sanadkii 2014-kii.

https://www.premierbank.so/