Kenyatta: Wadahadal ayaanu ka doorbidaynaa Maxkamadda Caalamiga ah
Madaxweynaha Kenya ayaa sheegay in dalkiisu uu ka shaqaynayo sidii uu Soomaaliya ugu qancin lahaa in ay wada xaajood dhexdooda ah ka yeeshaan khilaafka xuduudka badda ee labada dal oo horyaalla maxkamadda cadaaladda ee caalamiga ah, taas oo bilowga dhegeysiga dacwaddaas u muddaysay 4-ta bisha Noofambar ee sannadkan.
Madaxweynaha Kenya Uhuru Kenyatta ayaa khudbadda uu ka jeediyey kulanka guud ee jimciyadda Quruumaha ka dhexeysa oo ka socda magaalada New York, waxa uu ku sheegay in dalkiisa ay ka go’an tahay in xal waara loo helo waxa uu ugu yeedhay khilaafka kala jaray xidhiidhkii u dhexeeyey Soomaaliya iyo Kenya.
Madaxweyne Kenyatta waxa uu sheegay in dawladdiisu ay soo dhoweynayso qaraarkii badhtamihii bishan Sabtembar ka soo baxay golaha nabadda iyo ammaanka ee Midowga Afrika oo Kenya iyo Soomaaliya ku boorrinayey in ay wada xaajood ka yeeshaan khilaafka u dhexeeya, wadajirna si nabadgelyo ah u wada raadiyaan xalka. Isaga oo sheegay in xeerarka qaramada midoobey ay mar kasta qirayaan in wadahadalku uu yahay habka ugu wanaagsan ee lagu xallin karo khilaafyada. Iyo in dalalku xuduudahooda badda u kala calaamadsadaan si saaxiibtinimo ku jirto.
Madaxweyne Kenyatta waxa uu ku baaqays in xalka khilaafka lagu raadiyo wadaxaajood, waxa aanu rajeeyey in dawladda Federaalka Soomaaliya ay aqbali doonto, isla markaana ka shaqayn doonto sidii xal labada geesood ah oo waara dhinacyaduna aqbali karaan, looga gaadhi lahaa khilaafkan. Sida uu hadalka u dhigay.
Madaxweynaha Kenya ayaa hadalkan jeediyey 24 saacadood oo keliya kaddib markii kulan uu soo qaban qaabiyey midowga Afrika uu madaxweynaha Masar, isugu keenay madaxweyneyaasha Soomaaliya iyo Kenya. Iyada oo hadal ay Villa Soomaaliya kulankaas ka soo saartayna ku sheegtay in ay labada dhinac ku heshiiyeen in xidhiidhkooda ay wanaajiyaan. Laakiin ay Soomaaliya ku adkaysatay go’aankeedii ahaa in xal ka gaadhista khilaafka loo daayo maxkamadda cadaaladda adduunka.






