https://www.premierbank.so/

Jarmalka oo 34 milyan oo dollar ku taageeraya dalalka IGAD

Urur goboleedka IGAD iyo dowladda Jarmalka ayaa maanta kala sixiixday heshiis ay dowladda Jarmalka ugu deeqeyso ururka lacag dhan 34 milyan oo doollar.

Saxiixa heshiiskan ayaa kusoo beegmay xilli wasiirro arrimo dibadeedyada dalalka ku bahoobay urur goboleedka IGAD uu shir uga socda magaalada Jabuuti ee dalka Jabuuti.

Dhaqaalaha ay ku deeqayso dowladda Jarmalka ayaa la sheegay in loo adeegsan doono yareynta tahriibka, shaqo abuurka dhallinyarada iyo dhisidda xirafadahooda.

Madasha uu ka dhacay heshiiskan waxaa ku sugnaa guddoomiyaha golaha wasiirrada ee ururka IGAD, Workneh Gebeyehu iyo qaar ka tirsan wasiiro arrimo dibadeedyada ururka oo uu ka mid yahay wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, Axmed Ciise Cawad iyo wasiirka arrimahada dibadda Jabuuti, Maxamed Cali Yuusuf.

Dalka Jabuuti ayaa ka mid ah dalalka marinka u ah qaar ka mid ah tahriibayaasha dheef doonka ah Bariga Afrika kuwaasoo kasoo baxsanaya colaadaha iyo shaqa la’aanta baahsan ee ka jirta dalalkooda maciinna bida in si qar iska tuurnimo ah ay badaha uga tacabbiraan iyaga oo kusii jeeda qaaradda Yurub.

Bil ka hor ayay ahayd markii dooni sidday dad tahriibayaal ah ay ku qallibantahay biyaha dalka Jabuuti taasoo sababtay in ay ku haftaan in ka badan 150 qof iyadoo gurmad ay sameeyeen ciidamada badda ee dalka Jabuutina ay  kusoo badbaadiyeen 16 qof oo kaliya.

Lacagtan dowladda jarmalka  ay ugu deeqday IGAD ayaa wax badan ka badali karta hab nololeedka dhallinyarada dalalka IGAD haddii si wanaagsan loo maamulo looguna abuuro fursado shaqo oo ay ku illoobaan tahriibka halista galinaya naftooda.

https://www.premierbank.so/