In Wararka ugu Waweyn Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland oo Dhagax-dhigay Aagga Warshadaha ee Gobolka TogdheerMadaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) ayaa maanta si rasmi ah dhagax-dhigay Aagga Warshadaha ee Gobolka Togdheer, kaasi oo loo qorsheeyay in uu noqdo xarun muhiim ah oo kobcisa dhaqaalaha dalka, soo jiidashada Maalgashiga, shaqo-abuurka iyo horumarinta wax-soo-saarka gudaha dalka.Madaxweynaha ayaa ku is dul taagay in Aagga Warshaduhu uu horseedi doono maalgelin ballaadhan, fursado shaqo oo cusub, iyo in la yareeyo ku-tiirsanaanta badeecadaha dibadda laga keeno.Madaxweynuhu waxakale oo uu tilmaamay in mashruucani qayb weyn ka qaadan doono horumarinta ganacsiga iyo dhiirrigelinta hal-abuurka ganacsiga ee muwaadiniinta JSL.Shacabka iyo maamulka Gobolka Togdheer ayaa si weyn u soo dhaweeyay Dhagax-dhigga, iyaga oo ku tilmaamay tallaabo istaraatiiji ah oo Xukuumadda haatan talada haysaa ay ku xoojinayso Dhaqaalaha Qaranka isla markaana ay kor ugu qaadayso fursadaha shaqo ee bulshada.ALLAA MAHAD LEHXuseen Aadan Cige (Deyr)Afhayeenka Madaxtooyada Jamhuuriyadda Somaliland By Warda / August 21, 2025
In Wararka ugu Waweyn ” Xuska hal-abuurka ganacsiga waa la -joogtayn donaa”Wasiirka Ganacsiga Somaliland By Warda / August 21, 2025
In Wararka ugu Waweyn Muxu ka tagay garsoorihii dunida ugu naxariista badnaa ee geeriyoody? By Warda / August 21, 2025
In Wararka ugu Waweyn “Nabaddu waa aasaaska horumarka, Gobolada Galbeedkuna horumarka sidaa ayay ku gaadheen” Madaxwayne Cirro ayaa dardaarankan faray gobalad Bariga By Warda / August 21, 2025
In Wararka ugu Waweyn Ugaaska Guud ee Beelaha Gadabuursi oo si weyn loogu soo dhaweeyay Boorama- Somaliland By Warda / August 21, 2025 Goraya-cawl, Somaliland – Ugaaska Guud ee Beelaha Gadabuursi, Ugaas Cabdirashiid Ugaas Rooble Ugaas Doodi, ayaa maanta si weyn loogu soo dhaweeyay deegaanka Goraya-cawl, oo ku yaalla xadka u dhexeeya Somaliland…
In Wararka ugu Waweyn Dawlada Shiinaha oo ka shaqaynaysa isku soodhaweynta Pakistan iyo Afghanistan By Warda / August 21, 2025
In Wararka ugu Waweyn “Madaxweynuhu inuu runsheeg yahay waxa ku caddaynaysa inuu ballanqaadyadiisi uu ka dhabeeyay ..” Aqoonyahan Cadnaan Dhagaxkariye By Warda / August 21, 2025
In Wararka ugu Waweyn Suldaanka guud ee beelaha Makahiil, Samaroon, ayaa bulshada Somaliland ugu baaqay in si weyn ay usoo dhaweeyan Ugaaska Guud ee beelaha Gadabuursi. By Warda / August 21, 2025
In Wararka ugu Waweyn Ololaha doorashada madaxtinimo ee dalka Yugaandha ayaa si rasmi u bilowday By Warda / August 21, 2025