Madaxweyne Xasan Sheekh oo New York u tegay shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay
0 Comments
Madaxweynaha Dowladda Federaalka Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud, iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray magaalada New York ee dalka Mareykanka, si ay uga qayb galaan shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.
Shirka ayaa waxaa ka qaybgalaya madax iyo wufuud ka kala socota dalal badan oo dunida ah, iyadoo ajandayaasha kulamada lagu soo bandhigayo arrimo kala duwan oo caalami ah.
Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa la filayaa inuu khudbad ka jeediyo shirka, isaga oo ka hadli doona xaaladda Soomaaliya iyo arrimaha la xiriira dalka.
Inta uu ku sugan yahay New York, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa sidoo kale kulamo gaar-gaar ah la yeelan doona qaar ka mid ah madaxda iyo masuuliyiinta ka qaybgalaya shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay.






