https://www.premierbank.so/

Ruto iyo Rubio oo ka wada hadlay iskaashiga macdanta, ganacsiga iyo amniga gobolka

Madaxweynaha Kenya, William Ruto, ayaa magaalada New York kulan kula yeeshay Xoghayaha Arrimaha Dibadda Maraykanka, Marco Rubio, iyadoo labada dhinac ay ka wada hadleen xoojinta xidhiidhka Kenya iyo Maraykanka iyo arrimo la xiriira ganacsiga, tiknoolajiyadda iyo amniga gobolka.

Kulanka ayaa ka dhacay dhinacyada shirka Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, waxaana ajandaha ka mid ahaa iskaashiga ku saabsan macdanta istiraatiijiga ah, tamarta nukliyeerka iyo adeegsiga sirdoonka macmalka ah (AI) ee caafimaadka, waxbarashada iyo adeegyada maaliyadeed.

Ruto ayaa sheegay in labada dal ay soo dhaweeyeen sii wadista African Growth and Opportunity Act (AGOA), oo ah heshiis ganacsi oo loogu talagalay in lagu xoojiyo ganacsiga u dhexeeya Maraykanka iyo dalalka Afrika, isla markaana loo abuuro fursado dhaqaale oo dheeraad ah.

Dhanka macdanta, Maraykanka iyo Kenya waxay ka wada hadleen fursadaha ku jira qaybta macdanta muhiimka ah iyo sidii shirkadaha Maraykanku uga qayb qaadan lahaayeen farsamaynta iyo kordhinta qiimaha macdanta laga soo saaro Kenya. Arrintan ayaa ku soo beegmaysa xilli Kenya ay xoogga saarayso in macdanteeda gudaha dalka lagu farsameeyo, halkii si ceeriin ah loo dhoofin lahaa.

Ruto wuxuu sheegay in xidhiidhka Kenya iyo Maraykanku yahay “iskaashi xooggan oo waara oo ku dhisan ganacsi, amni, tiknoolajiyad iyo horumar.”

Labada mas’uul ayaa sidoo kale ka wada hadlay xaaladda amni ee gobolka, gaar ahaan sii wadista howlgalka amniga ee Soomaaliya, taageerada xasilloonida Haiti iyo xaaladda bani’aadantinimo ee sii xumaanaysa ee Suudaan.

Ruto ayaa sheegay in labada dhinac ay isku raaceen muhiimadda xabbad-joojinta Suudaan, xal siyaasadeed iyo sii wadista dadaallada gobolka ee wax looga qabanayo xaaladda bani’aadantinimo.

Kulankan ayaa muujinaya sida amniga Geeska Afrika, ganacsiga iyo khayraadka dabiiciga ahi ay uga mid yihiin arrimaha muhiimka ah ee xiriirka Maraykanka iyo dalalka gobolka. Arrimahaas ayaa sidoo kale muhiim u ah dalalka ku yaalla marin-biyoodka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo ay Somaliland kaga jirto meel juqraafi ahaan iyo ganacsi ahaan istiraatiiji ah.