Soomaaliya oo sheegtay inay diyaar u tahay la wareegista mas’uuliyadda amniga dalka
Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegtay inay awood u leedahay inay si buuxda ula wareegto mas’uuliyadda amniga dalka, haddii ay dalka ka baxaan Ciidamada Midowga Afrika ee AUSSOM, sida uu sheegay Agaasimaha Guud ee Xarunta TUBSAN, Cali Yaasiin Gurbe.
Cali Yaasiin Gurbe ayaa sheegay in Soomaaliya ay diyaargarow ballaaran ka samaysay dhinacyo kala duwan oo la xiriira la wareegista mas’uuliyadda amniga dalka. Waxa uu xusay in sannadihii u dambeeyay xarunta TUBSAN ay xoogga saartay dadaallada la xiriira la dagaallanka waxa loogu yeero argagixisada.
Waxa uu sidoo kale sheegay in Soomaaliya ay khibrad weyn u yeelatay la tacaalidda Al-Shabaab, isla markaana ay horumar ka samaysay dib-u-dhiska hay’adaha kala duwan ee Dowladda Federaalka, gaar ahaan hay’adaha amniga.
Gurbe ayaa tilmaamay in Soomaaliya ay hadda leedahay waayo-aragnimo ku filan oo ay ugu diyaar garowdo qaadista mas’uuliyadda amniga dalka, isagoo xusay in dowladdu ay sidoo kale xiriir iyo iskaashi dhinaca amniga ah la leedahay dalal kala duwan.
Ugu dambeyn, Agaasimaha Guud ee TUBSAN ayaa sheegay inaysan jirin cabsi laga qabo xaaladda amniga dalka, isla markaana Soomaaliya ay awood u leedahay inay sii waddo dadaallada lagu sugayo amniga marka ay Ciidamada AUSSOM dalka ka baxaan.






