Walaac xooggan ayaa ka taagan suuqa qaxwaha caalamka, iyadoo digniin culus uu soo saaray Ururka Qaxwaha Itoobiya.
Ururku wuxuu ka digayaa khatar dhaqaale oo soo wajahaysa beeralayda, ganacsatada iyo dhoofiyeyaasha, xilli qiimaha qaxwaha uu si weyn hoos ugu dhacay.
Qiimihii hore oo gaadhayay $4 halkii rodol ayaa hadda hoos ugu dhacay $2.80 halkii rodol, iyadoo la saadaalinayo inuu sii gaadhi karo $2.50 halkii rodol.
Laakiin arrintu halkaas kuma eka…
Mas’uuliyiintu waxay sheegeen in qaar ka mid ah ganacsatada ay qaxwaha kaydsanayaan, iyagoo sugaya faa’iido lacageed—arrin dowladda uga digtay inay keeni karto tallaabooyin adag.
Sidoo kale, xilli uu suuqu hoos u dhac ku jiray, waxaa sii saameeyay colaadaha ka aloosan Bariga Dhexe, kuwaas oo khalkhal geliyay ganacsiga iyo isu-socodka badeecadaha.
Dhanka kale, korodhka wax-soo-saarka dalal kale ayaa sii cadaadinaya suuqa, taasoo muujinaysa in hoos u dhaca qiimuhu weli socdo.






