Sida bulshooyinka caalamka oo dhan Soomaalidu waxa ay leedahay sawir maskaxeed oo bulsho ahaan ay iska aaminsan tahay.
Waxaaney isu taqaana mushtamac ka madhan kala sareyn dabaqadeed iyo dulmi bulsheed.
Inay yihiin duul wada dhashay oo wadaaga af, dhaqan, iyo diin, waanu ku yar yahay kala duwanaanshuhu, waana sawir soo jiidasho leh iyo muuqaal bilicsan, balse marka si dhaw diiradda loogu eego waxaa caddanaya in sawirkaasi yahay dhalanteed iyo is moodsiis iyo is yeel yeel.
Soomaalida waxaa u qarsoon mid ka mida dulmiyadda ugu qotada dheer, uguna huqda weyn caalamka, dulmigani waa takoor iyo faquuq loo geystay laguna hayo beelo ka mida qoyska Soomaaliyeed beelo la wadaaga, afka, dhaqanka, iyo diinta, kana tirsana bulshada Soomaaliyeed intii ay jirtay oo dhan iyaga oo u hayay kaalmo mihiima iyo adeegyo lama huraana, waa jariimo soo jireena iyo dhaqan guuna oo salka ku haya khuraafaad iyo belaley noocya badan, islamarkaana leh kuwa diineed iyo kuwa dhaqan dhaqaale oo facba faca ka danbeeya la sii dardaarmo, takoorkani waxaa la nool tobanaan iyo tobanaan kun oo Soomaaliya kuna nool gobolkasta iyo dacalkasta oo ka mida gayiga Soomaaliyeed.
Waxaa uu qaabeeya dhinacyada kala duwan ee nolosha xubnaha bulshada laga soo bilaabo dhalashada ruuxa ilaa god galkiisa, waxaanu xadida fursaha waxbarasho, shaqo, iyo nololeed ee qofka, waxaanu taabta tafaasiisha nolosha ee qofka oo ay ka mid tahay xulashada lamaanaha.
Xageebu ka yimid dhaqankan Hayb soocu? Side ayuu u qaabeeya nolosha dhibanayaashiisa? Waa maxayna huqda uu ku reebay dhibanayaashiisa? Maxaase lagaga bixi kara?.