https://www.premierbank.so/

HORDHAC: Real Madrid v Barcelona – El-Clasico, Xavi Oo Markii Ugu Horreysay Bernabeu Tagaya, Xiddigaha Dhaawacan & Xogta Kulanka Ugu Weyn Dunida.

 

Waxa markale lasoo gaadhay wakhtigii wareega labaad ee xilli ciyaareedka la ciyaari jiray kulanka ugu xiisaha badan kubadda cagta oo ka dhaxeeya labada kooxood ee ugu waaweyn horyaalka La Liga ee Real Madrid iyo Barcelona.

Real ayaa haatan 15 dhibcood ka sarreysa Barcelona oo booska afraad xalay u dhacday kaddib guushii Atletico Madrid balse Barca ayaa kulan baaqi ah haysata.

Xavi Hernandez ayaa kulankii ugu horreeyay ee isaga oo ah tababare booqanaya Santiago Bernabeu halka uu kulankiisii labaad ee Clasico ciyaarayo isaga oo guuldarro ku bilawday ciyaartii uu Spanish Super Cup ku wajahay Madrid.

Wararka Labada Kooxood Ee Kulanka Kahor

Dhirbaaxada weyn ee haleeshay Real Madrid kahor kulankan ayaa ah maqnaanshaha weeraryahan Karim Benzema, gool dhaliyaha ugu sarreeya La Liga iyo daafaca bidix ee Ferland Mendy ayaa labaduba ka maqnaan doona macalin Carlo Ancelotti.

Anceletti ayaa booska weeraryahanka dhexe ee kooxdiisa u kala dooran kara Luka Jovic iyo Mariano Diaz oo laba weeraryahan ah balse waxa labadaba ka fursad badan Gareth Bale oo hore xilli ciyaareedkan booskaas uga soo ciyaaray.

Sidoo kale Nacho Fernandez ayaa booska daafaca bidix ee Mendy sii buuxin kara isaga oo kasoo hormaraya kabtanka kooxda ee Marcelo.

Dhinaca Barcelona dhaawaca ku cusub ayaa ah midka daafaca midig ee Sergino Dest halka ay sidoo kale markale maqnaan doonaan Ansu Fati, Samuel Umtiti, Balde iyo Sergi Roberto.

Gerard Pique oo jug gaadhay darteed bedel loogu sameeyay kulankii Galatasaraay ayaa liiska kusoo baxay isla markaana kusoo bilaaban doona.

Aubameyang oo toddobadii kulan ee ugu dambeeyay toddoba gool kusoo dhaliyay ayaa weerarka hoggaamin kara isaga oo caawimo ka helaya Ousmane Dembele iyo Ferran Torres.

Shaxda Macquulka Ah Ee Labada Kooxood

Real Madrid (4-3-3): Courtois; Carvajal, Militao, Alaba, Nacho; Modric, Casemiro, Kroos; Bale, Asensio, Vinicius

Barcelona (4-3-3): ter Stegen; Alves, Pique, Araujo, Alba; de Jong, Busquets, Pedri; Dembele, Aubameyang, Torres

Xogta Kulanka

Tartanka: La Liga

Garoonka: Santiago Bernabeu

Wakhtiga: 11:00 habeenimo xilliga geeska Africa

Garsoore: Juan Martinez

 

 

 

https://www.premierbank.so/