https://www.premierbank.so/

Qabiilka: Fikradaha Dhintay Iyo Kuwa Dilaaga Ah

In badan ayaad taariikhda ku akhriday oo aad la yaabtay muslimiin dib u noqday markii uu dhintay Nebi Maxamed NNKHA. Balse ka warran haddaan ku idhaahdo Soomaalida ayaa riddadaas mid lamid ah manta ku jirta. Haa. Noqoshadaas mid la mid ah. Waa se marka aynu tawxiidka iyo dowladdii ka dhalatay u fahanno jaranjaro ilbaxnimo oo ka korran halkii ay Carabtu taagnayd nabiga kahor.

Soomaalidu dibugurasho ilbaxnimo oo aan dhigeed hore u soo marina ayaa ay ku jirtaa. Waxa ay xagal 180 ah ka leexanaysaa hayaankii qarannimo ee qarnigii ugu danbeeyay ay haysay. Laga soo bilaabo badhtamihii qarnigii 20aad, Soomaalidu waxay u heellanayd dowladnimo qowmiyadeed. Himilo midnimo iyo is-ururin ayaa ay ku fooganayd. Waxaana halkudhig u ahaa tuducii caanka noqday ee ‘Dugsi ma leh qabyaaladi waxay dumiso mooyaane’. Yoolka uga sarreeya wax uu ahaa qarannimo aanu qabiilku dhextaal u ahayn. Laguma guulaysan, balse sidaas ayaa mar walba hiigsigu ahaa.

Yoolkaas waxa ka dhashay habfeker iyo habdhaqan gaar ah oo ceebaysiga qabiilku ugu mudan yahay. Qaybo dhan oo bulshada kamid ah ayaa ceeb u aragtay qabiilkii, golayaal uu ka caagcaagan yahay baana abuurmay. Waxaana loo arkay xanuuun dibudhac ah oo ay tahay in la dabarjaro; bulshadana aqoon iyo horumar lagaga sifeeyo.

Nasiib darro, intaas oo dhan maanta waa ay isbedeshay. Qabiilkii xalaal ayuu noqday. Qabyaalad ayaa sal u noqotay Sheekada bulshada heer  kastaba. Qaybihii bulshada ee aan looga baran ayaa dhammaan ku haasaawaya qabyaalad. Shiikh iyo shariif, aqoonyahan, masuul, miyi iyo magaalo qabiil ayaa laga wadahadlayaa. Cid allaale iyo cid ka sarriiganaysaana waa ay yar tahay.

Siyaasaddii oo dhan waxaynu saarnay miisaan qabiil. Dhamaan arrimihii guud ee bulshada na waxynu ku eegnaa halbeeg qabiil.

Hordhaca Natiijada dibugurashadan ilbaxnimo waa ta Laas Caanood ka socota maanta. Gadood shacab waa ta maalmo gudaheed u rogtay dagaal sokeeye iyo duullan dibadeed oo lagu hoobtay. Waa ta Somaliiland inteeda kalena ay saacad walba u nugushahay dagaal sokeeye –  Laas Caanood kahor iyo kaddibba.

Haddaba, maxaa keenay dibunoqoshada intaas leeg? Maxaynu raadkeeni dib ugu raacnay? halkee bay sartu ka qudhuntay?

Awoodda Fikradda

Inta aynaan taas ka jawaabin, aan mid ka nidhaahno aragtiyaha. Run ahaantii, wax sahlan baynu u haysannaa, balse dunidan aynu ku nool nahay waxa qaabeeya waa afkaar. Waxa ugu awoodda badan noloshuna waa aragtiyaha. Waxa jaangooya habsocodka taariikkhda insaankuna waa aragtiyaha xula dhiiga dadka ee mideeyay maankooda, qalbiyadooda iyo cududdooda.

Fikradda in ilaahay yahay kan keli ah, nebi maxamedna nebigiisi bal u fiirso. Waa ta masraxa taariikhda ku soo tuurtay bulsho yar oo aad u qaybsan, oo ku noolayd mid kamid ah meelaha ay ugu adagtay in nololi ka hanaqaaddo.  Iyagoo tiro yar, waa tii ka saartay deegaankoodi ee sida daad aan la hor istaagi karin mar kali ah ay jiidheen labadii quwadood ee caalamka ee xilligaas.

Tusaale kale aynu bixinno. Imbiraadooriyadda ugu weyn casrigan waxa ay ka dhalatay fikradihii ka soo butaacayay Yurub xilligii la baxay waagii iftiinka.  Fikradahaas ayaa dhalay aragtidii ‘metelaad la’aan nalama canshuuri karo’ ee lafdhabarka u ahayd Kacdoonkii Maraykanka. .

Fikraddu waxay hagtaa waxqabadka insaanka – bulshadu sida ay u fikiro ayaa ay u dhaqantaa. Sida ay u dhaqantaana wax uu qaabeyaa waayaheeda nololeed.

Haddaba, mushkiladdeenu waa mid fikradeed. Sartu waxay ka qudhuntay aragtiyaha aynu aaminsannahay. Dhibtu waxay ka taagan tahay aragtida aynu ka haysanno qaabdhismeedka bulshadeenna iyo suurtogalnimooyinka la xidhiidha hab abaabulkeeda. Waa in aynu aamminnay in qabiilku yahay udub dhaxaadka nolsoha bulsheed ee Soomaalida iyo qaabka keli ah ee lagu abaabuli karo, ay ku midowdo, iskaashina  ku samayn karto.

Fikraddani waa ta innagu xukuntay qaybsan joogto ah. Kaba sii daran e,  waa ta ragaadisay hal’abuurkeenna la xidhiidhka is’abaabulka. Siyaasad ahaan, maanta kuma ba dhacno inaynu ka fikirno midnimo iyo iskaashi aan ku salaysnayn qabiilka.

Run ahaantii, fikraddani waxay kulansatay astaamiha labadii nooc oo fikradaha halista ah ee uu ka digay qoraagii Aljeeriya AHUN ee Maalik Bin Nabi. Fikradahani waa kuwa uu u bixiyay aragtiyaha dhintay iyo aragtiyaha dilaaga ah.

Qabiilku waa Fikrad Dhimatay

Ta koowaad waa fikrad xerudhalan ah oo bulshadu leedahay balse gabowday oo isbedella dhaqan iyo waaqaca nololeed ee bulshadu ay dhaafeen. Waa fikrado ka baydhay asalkoodi iyo qiyamkii sare e ay ku salaysnaayeen; waxtarkoodina dhammaaday. Taasi iyada oo jirta ayaa haddana bulshadu ay ku sii dheggan tahay.

Indhahaas haddi lagu eego, udubdhaxaadnimada qabiilku run ahaantii waa fikrad dhimatay, oo aynu harageedi weli sidanno. Tusaale ugu dhow ee muujinayaa dhimashada aragtidani waa dadka tirada badan ee ka leexda siyaasadda ‘reerkooda’. Waa Dadka beryahan loo bixiyo magacyada ay kamid yihiiin jin dagaagay iyo horgalayaal. Ma xukumayo saxsanaanta iyo khaldanaanta siyaasadaha raggaas. Balse Jiritaankooda oo keli ah ayaa ah calaamad wax innoo iftiiminaysa. Ka soo hadhku, exception, marka uu sidaas u bato, waxay caddaynaysaa in xeerku buray.

Fikir ahaan haddaynu ugu daadegno, Malik Bin nabi wuxu leeyahay aragtidu waa mayti marka laga jaro qiyamkii iyo waaqicii ay ku dhisnayd. Qabiilku waxa sal u ahaa tol waa tolane. Isku tolnaan iyu tiirsanaan ayaa aasaas u ahayd. Taasi miyay jirtaa mise ma jirto? Yaanay ku khaldin hababka iskaashiga bulsheed ee magaca qabiilka lagu abaabulo sida ceel biyood la qodo. Nolosha maalinlaha ah, wax xidhiidh ah qiyamkaasi lama leh. Waxaynu ku hoos noolnay nidaam hantigoosad ah oo arxan daran oo caalami ah. Nidaamkan ayaa qaabeeya nolosha iyo xidhiidhka dadyowga; shaqaale iyoo loo shaqeeye ayaa la yahay, iibiyayaal iyo iibsadayaal, mulkiilaha raasamaalka ee iibsanaya wakhtiga iyo cududda dadka iyo kuwa waxsoosaarkooda gadaya ayaa laga kooban yahay.

Qiyamka nidaamkani waa nin walowba naftaa. Nabi walowba umadda cid la yidhaahdaana ma jirto.

Tol isku tolan markaas ma jiro e bulsho isku dul nool baa jirta. Miskiin misko la fuulo leh baa jira. Sinnaanshiyo la’aan baa jirta. Siyaasi dantiisa raacaya baa jira. Xoogsato aan dhaadahayn baa jirta.

Dhan kale oo Waaqica haddaynu u fiirsanno, qabiilka ama tolku bulsho kooban buu ahaa oo haba guurguuraane ku eeg dhul gaar ah oo cayiman. Hayaankooda ayaa xataa ahaa mid wadareed. Taas waxa bedelay magaalogal ballaadhan. Magaalooyinkan waxa isugu yimi dadyow kala beelo ah. Tolkii markaas dhaqaale ahaan iyo jidh ahaan midna isuguma tolna. Waa filiqsan yahay. Isku waayo ma aha. Isku dan maaha. Doorkii xakamaynta anshax ee tolkuna aad ayuu u dabcay.

Intaas oo dhan ayaa dowladnimaduna ku sii darsantay laga soo bilaabo xilligii isticmaarka. Shaqooyinkii tolka in badan oo kamid ah ayaa dowladdu la wareegtay. Tusaale ahaan, sugista ammaanka qofka ayaa ay intiisi ugu badnayd la qaadatay. Waxayna sida oo kale isku dayaysaa in ay buuxiso kaalmihii istaakulaynta bulsho ee tolku ku jiray sida adeegyada caafimaad, waxbarasho iwm.

Haddii aynu soo koobno, qabiilku hadduu beri ahaan jiray udub dhaxaadka nolosheena bulsho, taasi maanta ma jirto. Waa fikrad dhimatay oo aan waxba kaga duwanayn fikradda khilaafada islaamiga ah ee DAACISH iyo ururada lamidkii ay ku burburiyeen waddama muslimiinta. Nidaamka dhaqaale ee hantigoosadka ah ah, magaalowga iyo dowladnimada, ayaa mijoxaabiyay qiyamkii u uku dhisnaa, dooriyayna waaqicii nololeed ee uu ku habboonaa. Haddaynaan runta isdiidsiinaynin, qofka reer Somaliland maanta cimirigiisa oo dhan buu qaadan karaa iyada oo aan qabiilku hal saamayn ah oo togan ku yeelan tayada noloshiisa.

Qabiilka waa Fikrad dilaa ah

Udub-dhexaadnimada qabiilku sida oo kale waa fikrad dool ah oo guumaystaha iyo mishiinkiiisi aqoon samayntu ay innooga tageen. Waa noocii labaad ee fikradihii uu ka digay Maalik Bin Nabi ee ahayd afkaarta doolka ah ee ku habboon deegaankii ay ku dhasheen balse bulsho kale soo tabalcaaraysato. Dhibaatada fikradahani maaha in ay sidooda dhib u leeyihiin, balse waa in laga soo jaray deegaankii dhaqan, ama ba dheh ekoolajigii ilbaxnimo, ee markay la falgalaan ay waxtarka ku lahaayeen. Qabiilka siyaasadaysan waa dool, hakuba dhasho dhul soomaaliyeed e. Wuxuu ahaa farsamo maamul oo guumaystuhu dhulkeenna ku maamulayay. In maamulkii guumaysigu ku hirgalay, kama dhigna in dowladnimada Somalidu ku liibaanayso.

Gaariye AHUN marku lahaa ‘qabiilkii darraad, Isticmaarkii baa dumay’, aqoonyahan badan ayaa u arkay eed ka carar iyo wixii xun baa xaawaa lehdii umadaha la guumaystay. Balse marka si mug leh loo daraasadeeyo, waxa soo baxaysa doorkii halbolwlaha ahaa ee guumaystuhu ku lahaa adkaynta tiirarka qabiilka – gaar ahaan qabiilka siyaasadaysan.

Siddeedaba aqoon iyo fikir ahaan, in qabiilku aasaas u yahay siyaasadda soomaalida, waxa keenay oo in bandanna difaacay aqoonyahankii Ingiriiska ahaa ee I. M. Lewis. Lewis waxa uu Somaliland yimi dabayaaqadii waagii maxmiyadda. Aqoon isirbaadhis ah oo dheer kadib,waxa uu soo bandhigay aragtidiisa ku saabsan qaabdhismeedka iyo dhaqannka siyaasadeed ee Soomaalida. Taas ayaa reer galbeed badan iyo aqoonyahankii Soomaaliduna kaga daydeen.  Ilaa intii uu dhimanayay, waxa uu hormuud firfircoon iyo xeeldheere loo dabafadhiisto ka ahaa majaalkan diraasadaadka Soomaalida.

Nasiib wanaag, fikirkaas waxaa ka horyimi oo dagaal ba’an la galay aqoonyahanno Soomaali iyo ajaanib ba leh oo ay ugu mudan yihiin Axmed iyo Cabdi Ismaaciil Samatar. Waxay ka hor keeneen doodo farobadan oo ay kamid tahay isbedellada taariikhiga ah ee ku yimi Soomaalida ee bedelay qabiilka iyo nuxurkiisi labadaba. Qaybo kamid ah isbedelladaas sare ayaynu ku soo gorfaynay..

Aynu se dul istaagno, doodda adag ee odhanaysa fikraddan udubdhexaadnimada qabiilku gebigeeduba waxay ka dhalatay hab maamulkii dowladdii guumaysiga – gaar ahaan kii Ingiriiska ee Somaliald. Bare Sare Lidwin Kapteijn oo fikraddan u abtirisay ayaa soo bandhigtay in uu ka soo jeedo waayo’aragnimadii maamul ee sanadihii ugu danbeeyay  ee isticmaarka. Si kale haddii loo dhigo, Lewis waxa uu soo bandhigay gunaanadka khibraddii ninkii caddaa ee ka talinayay maxmiyaddii Somaliland. Lewis Masuuliyiintaas ayuu marti u ahaa oo waraysanayay. Waaqica uu ka warbixiyayna waxa uu ahaa mid ay qaabeeysay dowladdii guumaysigu.

Astaamaha ugu muhiimsan ee hab maamulkaas loo bixiyay maamulka aan tooska ahayn, waxay ahayd, wadaraynta iyo mudnaansiinta haybta qabiil ee qofka, iyo weliba ku adkaysiga in qabiilku u dhexeeyo  qofka iyo dowladda. Tan ayaa gaadhsiisnayd heerka uu tilmaamay Maxamuud Mamdaani ee ah in haybta keli ah ee sharciga ah ee guumaystuhu u ogolaa dadkii uu haystay inay ahayd ta wadarta – oo Somaliland noqonaysa haybta qabiilka.

Tusaalahan ayaa caddaynaya. Ismaaciil Hurre Buubaa oo ka warramaya sidii lagu qoray dugsiga Hoose ayaa waraysi ku sheegay in markii koowaad ba la weydiiyay magaciisa iyo ka reerkiisa.

Su’aasha kowad ee dowladda guumaystuhu weydiisay waa magaciisa iyo ka reerkiisa. Ismaaciil dowladda Ismaaciil uma xisaabsanayn. Toddoba jirba ha ahaadee, Ilmo yar oo waxbarasho u baahanna muu ahayn. Dowladdu waxay u arkaysay Ciidagale. Sidaas si lamid ah ayaa maamulka maxmiyaddu u arkaayay qof kasta oo Somaliland ku nool in uu yahay qabiil. Adeegga ay siinayso ayaa qabiil ku xidhnaa. Shaqada uu ka helayo qabiilkiisa ayaa go’aaminayay. Ciqaabta ay marinaysana sida oo kale.

Aan ku celiyo, fikraduhu waa waxa ugu awoodda badan caalamka. Fikraddan udubdhexaadnimada qabiilkuna sida oo kale mid saamayn badan. Waa ta qaabaysay sida aynu isu aragno. Waa ta indheergaradkii Soomaaliya garansiisay in dalkooda loo qaybiyo dowlado qabiil. Waa fikirka xalaalaynaya xalkaas fulaynimo ee Shiikh Mustafe marar badan u bixiyay ‘xalka ina yareeyaay’. Waa ta maanta isla soo taagan Somaliland ha loo qaybiyo dowlad-yareedyo qabiil.

Waa dib u gurasho ilbaxnimo tii ugu weynayd oo aan la la gabbanaynin. Dhammaanteedna waxay salka ku haysaa aragtidaas dhimatay ee haddana doolka ah ee aqoonyahankeenu duuduubka ku liqay, siyaasiga damiinka ahina uu dhaqangeliyo.

Fikradaas ayay sartu ka qudhuntay. Hayaanka haddii la rabo in tubtiisa lagu soo celiyana waa in fikirkaas la caabbiyaa. Fikrad mid kale ayuun baa lagu dooriyaaye, waxaynu u baahannay aragtiyo bedela taas oo ku salaysan aqoon dhab uga turjunta waaqica nololeed ee bulshadeenna. Waxa loo baahan yahay in la soo saaro aragtiyo horseedi kara hannaano cusub oo iskaashi bulsho iyo wax wada qabsi. Aragtiyahaasi waa in ay dhaafsiisnaadaan Fikradahan dulkaxaadiska ah ee doolka u badan ee haddana gaboobay.  Waa doorkii aqoonyahanka iyo indheergaradka. Iyaga ayaa waajibka koowaad ka saran yahay.

Cabdillaahi Xasan

Saxafi, Tifotiraha CBATV

https://www.premierbank.so/